Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dabaalayay xeebta Liido ayay dhawaan qaaday badda, waxaana maalintii shalay la helay meydadka 4 dhalinyaro ah, halka la la’yahay meydka wiil kale.
Ehellada wiilashan dhalinyarada ah ayaa maalmahan dhan ku sugnaa xeebta, iyagoo baadi goobaya meydadka wiilashooda.
Qaar kamid ah waalidiinta oo warbaahinta la hadlay waxay tilmaameen in markii ay baddu qaadeysay wiilashooda ay goobta ku sugnaayeen ciidamo katirsan Dowladda federaalka, islamarkaana diideen iney u gurmadaan wiilasha.
Xeebta Liido oo ah goob ku caan ah fasahaadka iyo fisqiga ayaa waxaa u dabaal taga dhalinyaro badan, waxaane jirin diyaar garow uu sameeyay maamulka gobolka Banaadir ee dowladda federaalka oo ku aadan in loo gurmado dadka ay badda qaado.
Halkan ka dhagayso Warbixin meydadka ay soo tuftay xeebta Liido iyo kuwa weli la baadigoobayo.
(xanax)