HomeAll newsMaamulka Puntland Oo Soo Bandhigay Dhalinyaro kamid ah kuwii Ereteriya Loo Qaaday.

Maamulka Puntland Oo Soo Bandhigay Dhalinyaro kamid ah kuwii Ereteriya Loo Qaaday.

Waalidiin wiilashooda loo qaaday Ereteriya oo banaanbax dhigay.

Maamulka Puntland ee fadhigiisu yahay magaalada Garoowe ayaa soo bandhigay dhalinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay iney kamid ahaayeen dhalinyaradii loo qaaday wadanka Ereteriya.

Wasiirka amniga maamulka Puntland ninka lagu magacaabo Cabdi Samad Gallad ayaa la joogay dhalinyaradan, waxayna sheegeen in markii hore loogu sheekayay in loo qaadi doono Qadar, balse laga dejiyay garoomo ku yaala wadanka Ereteriya.

Hooyooyin badan oo soomaaliyeed ayaa la’ caruurtii ay dhaleen, kuwaasoo dowladda federaalka ay u qaaday wadanka Ereteriya, waxaana qaar kamid ah dhalinyaradaas la sheegay iney ka qeybgaleen dagaalkii Tigreega iyo maamulka Abey Axmed, halkaasna lagu dilay tiro badan.

Halkan ka dhagayso dhalinyarada uu soo bandhigay maamulka Puntland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular