HomeAll newsLabo Askari Oo katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu dilay Muqdisho.

Labo Askari Oo katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu dilay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku toogteen askari katirsan ciidamada Minishiibiyada ee qaada lacagaha loogu yeeray canshuurta.

Ragga dilka geystay ayaa askariga ka furtay qori uu ku hubeysnaa, waxayna goobta uga dhaqaaqeen si nabadgeliyo ah.

Sidoo kale isla degmada Hodan, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku toogteen askari dhar cad ahaa oo lagu magacaabo Xasan Maxamad Kuusow.

Askariga ayaa kamid ahaa ciidamada u shaqeeya sida basaaska, waxaana ka war heley ciidamada Mujaahidiinta oo markii dambe dilay.

Muqdisho waxaa kusii kordhaya howlgallada kala duwan ee ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dhawaan ayayna ahayd markii camaliyad nafhurnimo lagu beegsaday ciidamo joogay saldhiga uu Turkigu ku tababaro askarta soomaalida, halkaasna waxaa lagu dilay 40-tameeyo askari, halka sidoo kale lagu dhaawacay 60-dameeyo kale.

Halkan ka dhagayso faafaahinta Askarta lagu dilay Muqdisho.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular