HomeAll newsIsfidinta Imaarada Islaamiga ah iyo Jabka Ciidamada Maraykanka. (Dhagayso)

Isfidinta Imaarada Islaamiga ah iyo Jabka Ciidamada Maraykanka. (Dhagayso)

 

Weli waxaa wadanka AFqaanistaan ka socda dardarta ay dowladda Maraykanka iyo ururka Naato ay ciidamadooda ugala baxayaan wadankaasi, halkaas oo ay duulaan ku joogaan 20 sano oo xiriir ah.

Warbixin todobaadle ah oo kasoo baxda wasaaradda dagaalka ee Maraykanaka, loogana hadlo halka uu marayo insixaabka Maraykanka ee Afqaanistaan ayaa lagu sheegay in kala bar ciidamada Maraykanka ay isaga soo baxeen Afqaanistaan.

Wasaaradda dagaalka ee Maraykanak waxay tilmaamtay inuu guul ku dhowyahay qorshaha ay uga soo baxayaan wadanka Afqaanistaan, ayna rajeynayaan in marka la gaaro 11 septembar dhamaan ciidamada Maraykanka iyo 16 kun oo ruux oo la shaqeynayay ciidamada Maraykanka ay kasoo baxeen Afqaanistaan.

The Pentagon wuxuu kaloo intaa ku daray in 13 kun oo isuga jira qalabyada kala duwan ee dagaalka lagu wareejiyay shirkad la shaqeysa Maraykanka, si loo burburiyo, waxayna wasaaraddu tilmaamtay in qalabyadaas aaney waxtar lahayn, islamarkaana qiimo ku fadhin.

Arinta keeneysa in la gubo ayaa ah iyadoo laga cabsi qabo iney u gacan galaan Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan, oo xitaa haddii lagu wareejiyo xukuumadda Kaabul ay ka fara maroojin karto.

Ugu yaraan 6 saldhig oo milliteri ayay ciidamada Maraykanak ku wareejiyeen xukuuumadda Kaabul, maalmaha fooda nagu soo hayana waxaa la filayaa in Maraykanku wareejiyaan saldhiga Bagram.

Qaab socodka ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan ayay wasaaradda dagaalka aad u qarineysaa, iyadoo ku andacooneysa ilaalinta xogaha milliteriga iyo badqabadka askartooda.

Hay’ad qaabilsan arimaha hawada ayaa tilmaamtay in 20 sano kadib, hawada wadanka Afqaanistan ay mareyso maalmihii ugu mashquulka badnaa, sababo ku aadan diyaaradaha milliteri iyo kuwa xamuulka ee ay leedahay Maraykanka oo aad u adeegsaneysa hawada, maadaama ay adagtahay in safari dhulka ah la galo.

Tan iyo markii Joe BIDEN, madaxweynaha wadanka Maraykanka uu amar ku bixiyay in ciidankiisa laga soo saaro AFqaanistaan inta aan la gaarin 11 septembar, oo ah waqtigii ay dheceen duulaannadii Manhtan, waxay wasaaradda dagaalka ee Maraykanka wadaa qorshaha ka bixitaanka, iyadoo aad u qarineysa iney ka hadasho halka la geyanyo ciidamada ka cararayo Afqaanistaan.

Halkan ka dhagayso Isfdinta Imaarada Islaamiga iyo Jabka Maraykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular