Diyaarad hellecopter ah oo ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah ayaa ku burburtay magaalada Nairoobi ee caasimadda wadankaas.
Inkabadan 10 askari oo Kenyaati ah oo saarnaa diyaaradda, islamarkaana qaadanayay tababar milliteri ayaa ku dhintay burburka diyaaradda, wararka qaarna waxay sheegayaan in tirada dhimashada ay tahay 17 askari.
Diyaaradda burburtay ayaa nooceeda lagu sheegay Mi 171e, waxaana ay ku dhacday deegaan lagu magacaabo Kajiado.
War kasoo baxay wasaaradda gaashandhiga ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay dhacdadan oo noqoneysa mid khasaare ba’an gaarsiisay ciidamada KDF ee Kenya.
Afhayeen u hadlay ciidamad milliteriga Kenya ayaa ka hadlay dhacdadan, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo kahsaaraha rasmiga ah ee ciidankooda soo gaaray.
Milliteriga Kenya ayaa adeegsada diyaarado duug ah oo ay ka heleen dowladaha reer galbeedka, waana mida keenta in diyaaradaha ciidamada Kenya ay inta badan ku burburaan hawada.