Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay silsilado howlgallo ah oo lagu beegsaday ciidamada Kenya, kuwa Uganda iyo askarta maamullada Koonfur galbeed iyo Jubbaland.
Jannaale iyo Buulomareer oo katirsan Shabeellaha Hoose ayaa lagu weeraray askarta Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley dalkeena Soomaaliya.
Ciidamada Kenyana waxaa lagu weeraray deegaanka Qooqaani ee Jubbada Hoose, dagaal ayaana in muda ah halkaas ka socday.
Askarta maamulka Jubbaland waxaa iyagana lagu weeraray deegaanka Baar Sanguuni, halkaas uu ka dhacay dagaal in muda ah socday.
Waxaa sidoo kale ciidamada maamulka Koonfur galbeed lagu weeraray qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.
Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weeraradan faafaahin dheeri ah kama aynaan helin.
Halkan ka dhagayso faafaahin howlgallo kala duwan oo ka dhacay Soomaaliya.