HomeAll newsHooyo iyo Caruurteeda Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku noqday Duqeyn ka dhacday...

Hooyo iyo Caruurteeda Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku noqday Duqeyn ka dhacday Ceelcadde.

Diyaarad aan la qoonsan cidda iska leh ayaa duqeyn ka fulisay degmada Ceel cadde ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku beegsatay guri ay ku noolaayeen qoys.

Gantaalka diyaaradda ayaa ku dhacay guriga, waxaana durbadiiba goobta ku dhintay hooyadii guriga halka ay ku dhaawacmeen 5 caruur ah oo ay dhashey.

Aabaha qoyska oo la hadlay warbaahinta wuxuu u sheegay in qoyskiisa loo beegsaday iney Muslimiin yihiin, gurigiisana aanu ahayn xero ciidan ama goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Wuxuu Allaah ka baryay mar uu warbaahinta la hadlay inuu Allaah Jannada geeyo xaaskiisa, sidoo kalena caafiyo caruurta dhaawacan ee hadda lagu dabiibayo isbitaalka dhexe ee Ceel cadde.

Lama oga illaa iyo hadda dowladda iska leh diyaaradan duqeynta ka geystay Ceel cadde, waxaana loo badinayaa iney leedahay Kenya ama Maraykanka.

Halkan ka dhagayso Hooyo iyo Caruurteeda Oo Dhimasho iyo dhaawac ku noqday Duqeyn ka dhacday Ceelcadde

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular