
Duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur galbeed ayaa ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu khaarijiyo, kadib markii loo dhigay kamiin culus.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhigay kamiinka, waxaana kusoo dhacay gudoomiyaha iyo istaafkiisa.
Ugu yaraan hal askari oo katirsan ilaalada gudoomiyaha ayaa goobta lagu dilay, halka 3 kale oo uu sarkaal kamid ahaana lagu dhaawacay, waxaana si dirqi ah u badbaaday gudoomiyaha Xudur ee maamulka Koonfur Galbeed.