HomeAll newsGanacsato Soomaaliyeed Oo ku hanti beeley Dab ka kacay Suuqa Boosaaso.

Ganacsato Soomaaliyeed Oo ku hanti beeley Dab ka kacay Suuqa Boosaaso.

Habeen hore, suuqa magaalada Boosaaso waxaa ka kacay dab xoogan oo ka dhashey koronto, waxaana ku hanti beeley ganacsato soomaaliyeed.

Inkabadan 20 mehradood oo lagu iibinayay ganacsi kala duwan ayaa ku basbeeley dabka, waxaana intaa dheer in askarta maamulka Puntland iyo kooxo burcad ah ay boob geysanayeen, iyagoo ka faa’ideysanaya dabka kacay.

Maamulka magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland iyo ganacsatada ayaa ka hadlay wixii dhacay, waxaana ganacsatada ka muuqatay niyad wanaag iyo iney ku qanacsanyihiin qadarta Allaah.

Waxaa inbadna soo noq noqday dabka ka kaca suuqa magaalada Boosaaso, waxaana jirin gurmad deg deg ah oo ay helaan ganacsatada marka ay xaaladaha noocaasi ah jiraan.

Dhagayso Ganacsato Soomaaliyeed oo ku hanti beeley dab ka kacay suuqa Boosaaso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular