HomeAll newsDowladda Federaalka Oo Ka cbaneysa Dhaqaalo Darri Baahsan.

Dowladda Federaalka Oo Ka cbaneysa Dhaqaalo Darri Baahsan.

Dowladda Federaalka ee uu hogaaminayo Maxamad Farmaajo ayaa ka cabaneysa dhaqaalo darri baahsan oo soo food saartay, tan iyo markii dowladaha Shisheeye ay ka jarteen lacagihii ay siinayeen.

Shisheeyaha ayaa dowladda federaalka ka jartay dhaqaalaha kadib markii ay ku eedayeen musuq maasuq iyo in lacagaha ay siiyaan aaney ka muuqaan fagaarayaasha dagaalka ee ay ku loolamayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda federaalka.

Wasiir Beyle oo ah wasiirka maaliyadda Dowladda federaalka ayaa horey wuxuu u tilmaamay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay taageero maaliyadeed siiyaan dowladda federaalka.

Arintaasi ayaa waxaa ka dhega adeegay shacabka Soomaaliyeed oo aan taageersaneyn dowladda federaalka, maadaama ay tahay dowlad ay dhiseen Shisheeyaha, dalkana u horseeday dhibaatooyin kala duwan.

Halkan ka dhagayso Dowladda federaalka Oo Dhaqaale la’aan baahsan ka cabaneysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular