Dagaal ayaa galabta ka dhacay degaanka Warciise oo hoos taga magaalada Jowhar gobolka Shabeelaha dhexe.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa DF, waxaana la xaqiijiyay in askarta DF laga dilay 18 askari oo ay ku jiraan saraakiil.
Saraakiisha waxaa kamid ah taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Gorgor, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 42 askari halka laga gubay 3 gaari oo labo kamid ah ay yihiin kuwa gaashaaman ee Taw-ga loo yaqaano.