Kadib markii ciidamada Dowladda federaalka ee uu hogaaminayay taliyaha guud ee ciidamada milliteriga Dowladda federaalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ay maanta isaga carareen deegaano u dhexeeya Jowhar iyo Raaga-ceelle ayaa waxaa halkaas gaaray ciidamada Mujaahidiinta.
Deegaannada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen waxaa kamid ah Warciise iyo Qoordheere.
Ciidamada Dowladda federaalka ee isaga cararay deegaannadan ayaa u kala firxaday dhinaca Muqdisho, Jowhar iyo Raaga-ceelle, waxaana sidaas ku jabay guluf dagaaleedkii ay wadeen.
Ciidamada aaday dhinaca Muqdisho ayaa waxay ku dheceen weerar kamiin ah, kaasoo dhaliyay dhimashada hal askari, iyadoo Mujaahidiintu furteen qori AK ah.
Dhinac kale, gaari ay saarnaayeen ciidamada Dowladda federaalka ayaa ku rogmaday wadada xiriirisa Baladweyne iyo Maxaas, waxaana goobta ku dhaawacamay 7 askari oo qaarkood garaab yihiin.