Camaliyad Nafhurnimo oo aad u xoogan ayaa lagu beegsaday saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku tababaro boqollaal askari oo katirsan oo daacad u ah danaha Ankara.
Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa camaliyad Nafhurnimo ah la beegsaday askarta Soomaalida iyo saraakiisha Turkiga ee joogay xerada TurkSom ee magalada Muqdisho, waxaana la helayaa faafaahin kala duwan oo ku aadan khasaaraha.
Ugu yaraan 40 askari oo katirsan ciidamada loo tababarayay iney kamid noqdaan guutooyinka Gorgor oo si gaar ah u hoostaga Turkiga ayaa ku naf waayay camaliyadda, waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaareen 50 kale, iyadoo mar weliba ay suuragal tahay in khasaaruhu sii kordho.
Waxaa socda gurmad ballaaran oo loo sameyanyo askarta ku le’atay camaliyadda Nafhurnimada ah ee maanta ka dhacay xerada Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay masuuliyadda camaliyadan Nafhurnimada ah ee dhalisay khasaaraha culus, aadna looga hadal hayo magaalada Muqdisho.