Sideed madfac ayaa lagu tuuray xarunta madaxtooyada Magaalada Dhuusa mareeb iyo saldhiga degmadaasi xili ay magaalada ku suganyihiin madaxda dowladda iyo qaar kamid ah kuwa maamul goboleedyada kuwaasi oo maanta yeelanaya shir ay kaga hadlayaan caqabadaha iyo khilaafka ku hor gudban doorashooyinka.
Sida ay wararka nagu soo gaarayaan Cabsi xooggan ayaa soo wajahday Mas’uuliyiinta ku sugan dhuusa mareeb mudada ay socotay duqeynta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagala cararay halka uu ku sugnaa si uusan ugu waxyeeloobin duqeynta xarakada Alshabaab ay xalay ku garaacday gudaha Dhuusamareeb.
Illaa iyo hadda waxaa magaalada gaaray Madaxweyne Farmaajo, Rooble oo ah reysulwasaarihiisa iyo Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.
Lama ogga khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Xarakada shabaabul mujaahidiin oo aanan sidaasi kaga fogeyn Dhuusa mareeb ayaa marar badan weeraro ku qaaday fariisimo askarta Jabuuti iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Dhuusa mareeb.