Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal xoog ku gal ah oo shalay galinkii danbe ciidamo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ay ku qaadeen hoteel Afrik oo ku yaalla inta udhaxaysa Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska KM4.
Howlgalka ayaa ku bilowday camaliyad nafhurnimo kadibna inqimaasiyiin katitsan mujaahidiinta Alshabaab ayaa udaatay oo gudaha ugalay dhisamaha hotelka halkaasi oo ay ka bilaabeen toogasho iyo qaraxyo ka dhan ahaa Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Dowladda ee gabaadka ka dhigtay hotelka oo kamid ah hoteellada ammaankooda aad loo ilaaliyo.
Qadar ku dhaw 10 saacadood ayay Ciidamada Alshabaab ka dhex dagaalamayeen gudaha Hotelka sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Muqdisho.
Gurmad xoog leh ayay dirtay dowladda si ay dib ula wareegaan gacan ku heynta hoteelka balse waxaa iska caabin kala hortagay naftood hurayaasha katirsan Alshabaab.
In ka badan 23 ruux ayaa ku dhintay dagaal fool ka fool ah iyo toogasho ay gaysteen dagaalyahanada weeraray Hotel Afrika.
Dadka dhintay waxaa ku jiray 6 Askari oo katirsanaa ciidamada ay tababartay dowladda Turkiga ee loo yaqaanno Haramcad iyo saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa Maraykanka tababaray ee loogu yeero Alpha Group.
Dhaawacyada ayaa kor udhaafay 40 ruux waxaana ku jira saraakiil iyo ciidamo.
Maxamed Nuur Galaal oo soo noqday wasiirkii gaashaandhiga qabtayna xilal kale oo dhanka ciidanka ah ayaa kamid ahaa Raggii ku dhintay weerarka lagu qaaday hoteelka.
Madaxda ugu dareysa dowladda iyo siyaasiyiin ayaa ka tacsiyeeyay geerida Galaal.
Generaal Maxamed Nuur Galaal, waxaa uu ku dhashay miyiga magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgduud sida uu sheegay mar uu ka hadlay taariikhdiisa.
Waxa uu intaa ku daray in waxbarashada maadiga iyo tan ciidanka uu ka qaatay gumeystihii Talyaaniga.
1960-kii ayuu galaal kamid ahaa saraakiil waxbarasho ciidan loogu qaaday dalka Talyaaniga
Markii Talyaaniga kasoo laabtay dhowr sanno kadib waxaa sanadkii 1964 uu hadana kamid ahaa saraakiil loo qaaday dalka Ruush-ka
General Galaal wuxuu kamid ahaa rag fara kuturis ah oo inta badan cimrigooda ku qaaday dagaal iyo tababar ciidan wuxuuna aqoon durugsan ulahaa ciidanka.
Maxamed Nuur ayaa kaalin muuqata ayuu ku lahaa dagaallo qaraar oo Alshabaab ciidamada Itoobiya iyo suufiyada ku dhexmaray goballada dhexe,wuxuuna suufiyada aad kaga taageeray sidii ay uqaadi lahaayeen dagaallo ka dhan ah Alshabaab ama isku difaaci lahaayeen marka lasoo weeraro.
Maadaama uu aqoon u lahaa sirdoonka oo loo soo tababaray sirdoonka dhanka milatariga ah wuxuu khibradiisa iyo aqoontiisa la garab joogay dowladihii kala duwanaa ee soo maray magaalada Muqdisho.
Gaashaanle Cali Dhuux Barre oo katirsanaa ciidamada Booliska iyo taliyihii ilaallada xarunta la weeraray oo lagu magacaabo Diiriye Xaashi ayaa kamid ahaa ragga naftooda ku waayay howlgalka sida laga soo xigtay mas’uuliyiin katirsan dowladda.