Wararka naga soo gaaraya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in diyaarad helokobtar ah ay ku bur burtay gobal katirsan waddankaas.
Bayaan kasoo baxay ilaalada qaranka ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in saddex xubnood oo iyaga katirsan ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay Maraykanka.
War qoraal ah oo ay ilaalada qaranka Maraykanka Soo dhigeen bartooda faceboogga ayay ku sheegeen in diyaarad helokobtar ah oo nuuceedu yahay (UH-60 Black Hawk) ay kusoo dhacday gobalka Idaho ee waddanka Maraykanka.
Saddaxdaan askari ee katirsanaa ciidamada Maraykanka ayaa markii ay diyaaradda helokobtarta ah lasoo dhacaysay ku jiray tabar ciidan oo xagga hawada ah.
Waa shilkii affaraad oo nuucaan ah oo ay marti galiso dowladda Maraykanka sannad gudihiis, waxaana diyaarad helokobtar ah oo uga soo dhacday Waddanka Bakistaan uga dhintay 4 askari.
Bayaanka ilaalada qaranka ee Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan illaa iyo hadda la ogeyn sababta rasmiga ee ka dambeysa bur burka diyaaradda, hasa yeeshee ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo.
General Michael Garchak oo ah taliyaha ilaalada qaranka Maraykanka ee gobalka Idaho ayaa sheegay in shilkaan uu yahay khasaare weyn oo soo wajahay ilaalada qaranka Maraykanka ee Idaho.