Xukunkaan gacan goynta ah ayaa lagu fuliyay Karaam Khaasim Muuse kaasi oo jabsaday dukaan ganacsi oo ku yaalla deegaan hoostaga degmada Kamsuuma ee wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka.
Karaam ayaa dukaanka ka qaatay lacag iyo agabyo kale sida uu sheegay qaadiga xukunka riday.
Milkiilaha dukaanka ayaa soo dacweystay Karaam Khaamis.
Karaam ayaa qirtay eeda loo jeediyay sida uu goob fagaare ah oo dad badan ay yimaadeen kaga dhawaaqay mid kamid ah qudaada xarakada shabaabul mujaahidiin.
Karaam khaasim ayaa laga jaray gacanta midig, waxaana laga qaaday xoolaha uu xaday.
Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa shareecada islaamka oo barax tiran ka hirgalisay wilaayaadka islaamiga ah waxaana ku badbaaday dhiiga maalka iyo cirdiga muslimiinta ku hoos nool harka xarakada shabaabul mujaahidiin.