Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay Qarixii ka dhacay deegaanka Tixsiile oo xarakada alshabaab ay la beegsatay kolonyo ay la socdeen ciidamo katirsan baangarafta hoostaga dowladda Maraykanka.
Siidii ayaa sheegay ujeedka weerarka inuu ahaa in isaga lagu dilo balse uu ka badbaaday.
Wuxuu tilmaamay in xarakada Alshabaab ay bilowday adeegsiga qaraxyo aysan weligood arag marka loo eego xajmigooda iyo qasaaraha ay gaysanayaan.
Halkan ka dhagayso Codka Siidii
Siidii ayaa marar badan ka badbaaday weeraro ka dhacay gobalka shabeelaha Hoose.
Weerarkii Tixsiile ayaa lagu dilay sarkaal cadaan ah waxaana si xun ugu dhaawacmay Taliyaha ciidamada Danab iyo Taliyaha guutada todobaad ee ciidamada dowladda.