Safaaradda Ruushka ee Abu Dhabi ayaa sheegtay in Safiirkii Ruushka ee Imaaraadka Sergey Kuznetsov uu dhintay isagoo 68 sanno jir ahaa.
Safaaradda ayaa ku tiri bayaan ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka🙁 Waxaan muujineynaa murugada weyn ee aan ka qabno dhimashada lama filaanka ah ee safiirkeena kaa soo ku dhintey Mosco ee caadimada Waddanka Ruushka) Bayaanka Safaaradda laguma sheegin sababka keentay dhimashada Safiirka.
Sidoo kale Bayaanka waxaa lagu cadeeyay in safiirka dhintay uu xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibada ee Ruushka oo ay ka mid tahay jagadii Qunsulka Guud ee Jeddah iyo Safiirka u fadhiya Jabuuti iyo Soomaaliya.
Waxaana loo magacaabay danjiraha Ruushka ee Imaaraadka bishii Abriil 2019.