Magaalada Buurkaba ee gobalka Bay waxaa maanta lagu dilay mid kamid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamanka ee dowladda federaalka.
Ergayga la dilay ayaa la oran jiray Maxamed Ibraahim Isxaaq oo kamid ahaa ergooyinka soo doortay xildhibaanada dowladda gaar ahaan kuwa laga soo doortay koonfur galbeed.
Mas’uuliyada dilka waxaa sheegatay xarakada shabaabul mujaahidiin.
Ergooyin badan ayay shabaabku ku dileen qeybo kamid ah dalka Soomaaliya halka kuwa kale ay cafis ufidiyeen markii ay ka faa’ideysteen fursad ay isku soo dhiibaan ergada oo allaah ugu soo laabtaan.
Dowladda federaalka iyo shisheeyaha ayaa ku guul daraystay inay sugaan ammaanka Ergooyinka.