Suldaan Maxamed Cabaas Axmed Diirshe oo ahaa Suldaankii beesha Habar Gidir ee goballadaJubbooyinka ayaa ku dhintay duqeyn ay fulisay diyaarad dorone-ah taasi oo maanta duhurkii ka dhacday dulleedka degmada Jamame ee gobalka jubbada hoose.
Waa hoggaamiyihii labaad oo kamid ahaa hoggaamiyayaasha qabaai’llada ee diyaaradaha Maraykanka ay ku dilaan dulleedka Jamaame.
Sanadkii hore ayay ahayd markii diyaarad drone-ah ay duqeyn ku dishay suldaankii beelaha jareerweyne ee goballada Jubbooyinka.
Trump oo maalmo yar un ay kaga harsantahay xilka madaxtinimada ayaa sii xoojiyay duqeymaha diyaaradaha Maraykanka ka gaysanayaan Soomaaliya.
Duqeymaha xoogeystay ayaa kusoo aadaya xili Maraykanka uu sheegtay inta badan ciidamadiisa uu kala baxay Soomaaliya.