Golaha Koongareyska Mareykanka ayaa fadhi wada jir ah oo ay yeesheen khalalaasihii shalay kadib waxay maanta si buuxda u ansixiyeen guushii Joe Biden ee doorashada madaxtinimada Mareykanka.
Kalfadhiga ayaa hakad galay shalay markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ay xoog kula wareegeen aqalka Koongarayska.
Tani waxay dhabaha u xaaraysaa in Biden uu la wareego xilka madaxweynaha Maraykanka 20-ka bishaan Janaayo ee aynnu ku jirno.
Inta badan xubnaha Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyay guusha Joe Biden ee uu kasoo hoyay doorashadii madaxtinimada.
Taageerayaasha Trump ayaa shalay qalqal galiyay Maraykanka markii ay si lama filaan ula wareegeen dhismaha Congarayska Maraykanka.
Taliyaha Waaxda Booliska Mareykanka Robert Conte ayaa sheegay in 4 qof ay ku dhinteen rabshadihii maalintii Arbacada.
Trump ayaa aqbalay inuu wareejiyo xilka 20-ka bishaan.