Waddanka Suudaan waxaa ka dhacay weerar dhiig badan uu ku daatay kaas oo udhexeeyay qaar kamid ah qabaa’illada daga waddankaas.
Dagaalladaan oo ka dhacay gobalka dhaca galbeedka waddanka Suudaan ee daarfuur ayaa waxaa ku dhintay 48 ruux.
Wakaaladda wararka ee suudaan ayaa waxay sheegtay in dagaalladu ay wali socdaan islamarkaana ay ku dhinteen 48 ruux halka ay ku dhaawacmeen 100 kale sida ku cad tirakoobyada horu dhaca ah ee kasoo baxaya dagaallada, waxaana suura gal ah in khasaaruhu uu intaasi ka sii bato maadaama ay dagaalladu wali socdaan.
Wakaaladda oo warkeeda sii wadata ayaa waxay sheegtay in dagaalladu ay ka bilawdeen muran dhex maray laba ruux kaas oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca kuwa kale islamarkaana dab la qabadsiiyay guryo ay daganayeen dad rayid ah.
Gobalka Daarfuur ayaa bishii lasoo dhaafay sidaan oo kale u marti galiyay weeraro nuucaan ah kuwaas oo ay ku dhinteen 15 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.
Dhanka kale Magaalada khartoum ee caasimadda waddanka Suudaan waxay maanta marti galisay isku soo baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo hashiiska caadiyeynta ay xukuumadda Suudaan la gashay Maamulka Yuhuudda.
Dadkaan oo isugu Soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda Suudaan ayaa waxay madaxtooyada looga arrimiyo dalkaas horteeda dab ku qabadsiiyeen calanka Yuhuudda, iyagoona si cad uga soo horjeesatay heshiiska caadiyeynta.
Waxay wateen boorar ay ku xar dhanyihiin hal ku dhigyo ka dhan ah heshiiska Iyo xukuumadda Suudaan iyagoona ku Tilmaamay in xukuumaddu ay tahay mid daba dhilif ah.
Hal ku dhigyadda waxaa sidoo kale kamid ah shacabku wuxuu doonaya in gabi ahaanba la xooro heshiiska caadiyeynta, iyagoona ku Tilmaamay khiyaanmo ka dhan ah Al-Aqsa Al-shariif.
23-kii oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii xukuumadda Suudaan ay ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay Maamulka Yuhuudda, waxaana tan Iyo xilligaas gudaha waddanka ka dhacayay dibad baxyo ay dadku uga soo horjeedaan heshiiskaas.