HomeAll newsDowladda Maraykanka oo duqeysay Xarunta idaacada islaamiga ah Alfurqaan ee Kuunyo...

Dowladda Maraykanka oo duqeysay Xarunta idaacada islaamiga ah Alfurqaan ee Kuunyo Barrow.

Caawa maqribkii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dorone-ka dowladda Maraykanka ayaa duqeyn ugaysatay xarun Idaacada islaamiga ah ee Alfurqaan ay ku leedahay Gobalka shabeelaha Hoose.

Afar gantaal ayaa ku dhacay gudaha xarunta idaacada ee deegaanka Kuunyo Barrow Gobalka shabeelaha Hoose.

Allaah mahadii Shaqaalaha idaacada ayaa ka badbaaday duqeynta  hasa yeeshee waxay waxyeello kasoo gaartay qaar kamid ah shacabka ku nool deegaanka Kuunyo Barrow.

Qeyb kamid ah dhismaaha xarunta idaacada iyo qalabka ay ku howlgalaysay ayaa ku burburay duqeymaha Maraykanka.

Idaacada Alfurqaan ayaa la aas’aasay sanadkii 2009-kii waana idaacad islaami ah oo aanan ku hadlin afka urur iyadoo u quntay sidii ay u dabooli lahayd baahida umadu u qabaan barashada diinta islaamka.

Waa idaacad si dhexdhexaad ah usoo tabisa wararka la xeriira Soomaaliya iyo dhacdooyinka dibada iyadoo waraysata Siyaasiyiin,Aqoonyahanno iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Idaacada oo dhisan in ka badan 10 sanno ayaa sidoo kale baahisa kutubo iyo duruus diini ah oo ay ka faa’ideysteen bulshada ku nool goobaha ay ka howlgasho idaacada.

Weli dowladda Maraykanka kama aysan hadlin duqeynta maanta galinkii danbe ugaysteen xaruntii idaacada ee deegaanka Kuunyo barrow gobalka shabeelaha hoose.

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. السلام عليكم ورحمة

    Magacaygu waa
    ابو عزام
    Jooga kenya

    Walaalahayga sharafta lehow allah ha idinka shaafiyo oo ha idinka ajar siiyo dhibka iyo ciilka ay idiin qabaan kuwa ay dhibtay camalka aad haysaan ee ay habeen iyo maalin ka seexan wayeen gaalo iyo xulifadoodu ee ah juhdiga iyo dadaalka aad ugu jirtan wacyi galinta iyo noolaynta umadaan maskaxdeedu dhimtay een aqoon cadowgooda allah ha idin abaal mariyo abaal marin heer caalami ah ayaad mudan tihiin waase heli doontaan inshaa allah aakhirona allah ayaa idin abaalin كرم الله وجهكم وجزاكم الله في أعمالكم خيرا

  2. Asc wankaxumahay wixii dhacay caawa waana wax duruus naqandonto waa islaam naceyb ee maaha xarako naceyb waxanleeyahay umada soomaaliyeet hakaceen ee cadawga soo duulay hala dirireen duli baa inaguhabsadoo damqasho la aanteede dar alle inaat ukacdaan dibriya cadawgiina

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular