HomeAll newsDagaallo ka dhacay gobalka jubadda hoose.

Dagaallo ka dhacay gobalka jubadda hoose.

sawirka waa beeryare
sawirka waa beeryare oo la jooga sarkaal Ameerikaan ah

Markale qeybo kamid ah gobalka jubada hoose waxaa xalay ka dhacay dagaallo ay qaadeen ciidamada Xarakada alshabaab.

Dagaal xoog leh oo hubka culus iyo kuwa fudud la isku adeegsaday ayaa ka dhacay saldhiga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Cabdalla Biroole.

Faafaahin ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi nama soo gaarin.

isla xalay ciidamada xarakada Alshabaab waxay weerar ku ekeeyeen ciidamada jubaland ee ku sugan deegaanka Baarsanguuni ee duleedka Kismaayo.

Meelaha gobalka jubada hoose ay ka joogaan ciidamada Kenya iyo kuwa jubaland ayaa waxaa kusoo noqnoqday dagaalada ay qaadayaan ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin.

Dagaalka xalay dhacay ayaa kusoo aadaya xili faafaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay qarax shalay ka dhacay deegaanka Tixsiile ee shabeelaha Hoose.

Qaraxa waxaa ku dhintay sarkaal cadaan ah iyo afar askari oo katirsan ciidamada Danab.

Saraakiil katirsan dowladda oo ay kamid yihiin Taliyiha Ciidanka Danab Gaashaanle Axmed C/llaahi Nuur Beer-yare iyo Taliyaha Guutada 7aad ee ciidanka dowladda Gaashaanle Dhexe Axmed Gaashaan ayaa ku dhaawacmay qaraxa  kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda caafimaad.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular