Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxa ay fuliyeen howgallo qorsheysan oo ay ku beegsadeen ciidmaada shisheeye iyo askarta Soomalida ah kuwaas oo ka kala dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda iyo Gobollada shabeellaha hoose.
Galinki dambe ee maalintii shalay weerar madaafiic ah ayaa lagu garaacay saldhiga ciidamada ugandha ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Dagmada Baraawe ee shabeellaha hoose.
Tiro madaafiic ah ayaa ku hoobatay saldhiga ciidamada ugandha , duqeynta ka dib ciidamada shisheeye ayaa ka soo baxay xerada , waxaana ay la kulmeen weerar jidgal ah oo ay udhigeeen dagaalyahanno ka tirsan xarakada mujahidinta Al-shabaab.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada ugandha, halka sidoo kale laga soo furtay qoray PKM-ah .waxaana ay dib ugu laabteen saldhiga ay kaga sugayihiin magaalada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose.
Sidoo kale weerar xooggan ayaa habenekii xalay lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowlada federaalka kuwaas oo ku sugnaa gudaha dagmada kaaraan ee magalaada Muqdisho .
Dagaalyahanno aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada mujaahidiinta al-shabaab ayaa dagaal toos ah waxa ay ku qaadeen askar ka tirsan dowlada federaalka oo ku sugnaa xaafada buulo maxaay ee dagmada kaaraan ee gobolka Banaadir .
Ugu yaraan waxaa weerarkaasi lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidmaada dfka.
Dhanka kale qarax xooggan oo ka dhacay gudaha Dagmada Wanlaweyn ee gobolka shabeellaha hoose ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 7 askari oo ka tirsan Dfka .
Qaraxa oo aha mid aad u xooggan ayaa si aad ah looga dareemay gudaha Dagmada Wanlaweyn , waxaana lagu dilay 4 askari oo ka tirsan dfka , halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 3 .