HomeAll newsCiidamada Itoobiya iyo kuwa Amxaarada oo burburiyay Masjidka Boqorkii Najaashi.(Sawirro)

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amxaarada oo burburiyay Masjidka Boqorkii Najaashi.(Sawirro)

Masaajidkii Taariikhiga ahaa ee Al-Najaashi waxaa gabi ahaanba burburiyay milatariga Ethiopia iyo maleeshiyaadka amxaarada kuwaasi oo billo ka hor dagaal ku qaaday ciidamada Tigreega ee Tplf.

Sawirro lagu baahiyay baraha intarnetka ayaa lagu arkayaa burburka soo gaaray dhismaha majidka iyo ciidamo itoobiyaan ah oo ku hareereysan.

Amxaarada karishtaanka ah ee cadowtooyada gaamurtay u qabta islaamka iyo dadkiisa ayaa dhulka hub culus ku garaacay masjidkaan oo kamid ahaa astaamihii islaamka.

Qabuuraha asxaabtii uhijrootay Ardul xabasha ayaa sidoo kale la burburiyay sida ay sheegayaan muslimiinta ku nool Itoobiya.

Sida taariikhyahannada qaar laga soo xigtay Masaajidkan waxaa la dhisay Qarnigii 7-aad  waxaana la shegaa inuu  yahay masaajidkii ugu horeeyay ee Afrika laga dhiso.

Boqorkii xabashiga ahaa ee Alnajaashi islamarkaane islaamay ayaa loogu magacdaray masjidkan kaasoo janaaso qaaib ah uu ku tukaday nabi Muxamed NNKH.

Isku soo wada duuboo dalka itoobiya ayaa hada waxaa gacanta  kusii dhigaya amxaarada  oo laga baqdin qabo iney gumeystaan qowmiyadaha kale ee ku dhaqan  dalkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular