Ciidamada xarakada Mujaahadiinta Alshabaab ayaa habeenkii xalay iyo saaka waxa ay fulyeen howgallo isugu jira Duqeymo xagga cirka ah Dagaallo toos ah iyo qarax xoooggan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shisheeyaha, xildhibaan ka tirsan maamulka jubaland iyo askarta dowladda.
Qarax xooggan oo habeenkii xalay ka dhacay magaalada kismaayo ee xaruunta Gobolka jubada hooose ayaa waxaa lagu beegsaday xildhibaan ka tirsan maamulka jubaland.
Xildhibaanka qarax lala beegsaday ayaa waxaa lagu magcaabi jira khaliif Haashim oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhaw hogaamiyaha juabland Axmed madoobe.
Xarakada mujahaidiinta Al-shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay mas’uuliyadaa qaraxaan lagu dilay xildhibaan Khaliif Haashim , kaas oo ka dhacay xaafada farjano ee magaalada kismaayo.
Sidoo kale duqeymo Xagga cirka ah ayaa lala beegsaday diyaarad sahay uwaday ciidamada xabashida Itoobiya iyo kuwa Soomalida ah ee ku go’doonsan dagmada Diinsoor ee gobalka Bay
Guutada Jugta culus ee xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa dhowr gantaal la beegsaday diyaarad Laga leeyahay Turkiga oo isku dayday in ay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha magaalada Diinsoor halkaas oo ah meesha kaliya sahayda ugu soo degto ciidamada Itoobiya.
Dhanka kale ciidamada Alshabaab waxay xalay dagaallo toos ah ku qaadeen ciidamada shishgeeye ee Keynya,Ugandha,Jabuuti ,askarta dowlada fedraalka iyo kuwa maamulka jubaland.
Goobaha ay ka dheceen dagaallada waxaa ka mid ah Magaalada Dhuusamreeb ee xaruunta Gobolka Galgaduud , halkaas oo lagu weeraray ciidamada jabuuti ee ku sugan Garoonka diyaaradaha ee magalaada Dhuusa mareeb , waxaana jira khasaare gaaray jabuutiyaanka .
Sidoo kale saldhigyada ay xalay mujaahidiintu weerareen waxaa ka mid ah deegaanka Nambar 60, Cabdalle Biroolle, Taabto ,iyo bar kontarool oo ku taala magaalada Baydhabo ee Gobolka baay.