HomeAll newsAfhayeenka Booliska ee dowladda federaalka oo isku day dil ka badbaaday.

Afhayeenka Booliska ee dowladda federaalka oo isku day dil ka badbaaday.

Qarax xooggan oo laga maqlay in badan xaafadaha Muqdisho ayaa xalay ka dhacay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Sida ay nagu soo gaareen wararka qaraxa ayaa lala eegtay gaariga Afhayeenka Ciidamada Booliska dowladda federaalka oo lagu magacaabo Sadiiq Aadan Cali.

Afhayeenka oo warbaahintu ay la xeriirtay ayaa ka gaabsaay inuu la hadlo balse war kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku xaqiijiyay inuu ka badbaaday isku day dil.

Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa durbadiiba xalay sheegatay mas’uuliyadda qaraxa uu ka badbaaday afhayeenka ciidamada Booliska.

Wadada 21 October ee degmada Waaberi  oo ah wado ay aad u isticmaasho dowladda ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo ka dhan ah mas’uuliyiin iyo ciidamo katirsan dowladda.

Dhanka kale askari katirsan dowaldda ayaa xalay lagu dilay qeybo kamid ah Muqdisho.

Ciidamo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa askarigaan ku dilay biyo dagga Xareed ee Muqdisho.

Sidoo kale isla xalay Alshabaab waxay weerar ku qaaday saldhig ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin degmada Qoryooley.

Yoontoy waxaa iyadana lagu weeraray ciidamada Jubaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular