Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo ka dhacay gobalka shabeelaha hoose kuwaasi oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ugaystay ciidamada shisheeyaha Amisom.
Qaraxa koowaad ayaa Shalay shabeelada hoose waxaa lagula beegsaday kolanyo ay la socdeen ciidamada Amisom kuwaasi oo kasoo baxay deegaanka Ceel jaalle kuna sii jeeday deegaanka Shalambood.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Booyad ah,waxaana inta la xaqiijiyay halkaasi ku dhintay laba Askari.
Sidoo kale shalay ciidamo lug ah oo katisan shisheeyaha Afrikaanta kana baxay deegaanka Shalambood kuna sii jeeday deegaanka Danow ayaa qarax lala beegsaday.
Qaraxaasi waxaa ku nafwaayay Labo askari dhaawacane waa Saddex askari sida idaacada alfurqaan ay uxaqiijiyeen illo wareedyo.
Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaan lala beegsaday ciidamada Amisom.
Geeska kale ciidamada Alshabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday ciidamada shisheeye ee ku sugan deegaanka Number 60 oo katirsan shabeelaha hoose.
Dhinaca taliska shisheeyaha lagama hayo wax war ah oo ku aadan qaraxyada lala eegtay ciidamadooda.