Dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.
Goobaha ciidamada Shisheeyaha lagu weeraray waxaa kamid ah deegaannada Sabiid, Nambar Lixdan iyo deegaanno kale, waxaana jira khasaare kala duwan oo gaaray Shisheeyaha.
Deegaannada Hosingow iyo Qooqaani ayaa sidoo kale kamid ah goobaha lagu weeraray ciidamada Kenyaatiga ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalkeena Soomaaliya.
Halkan ka dhagayso Weeraro saf ballaaran ah oo ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose