HomeAll newsWeerar Lagu Qaaday Kenyaatiga Oo Ka Dhacay NFD.

Weerar Lagu Qaaday Kenyaatiga Oo Ka Dhacay NFD.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar xoogan waxay ku qaadeen saldhig ciidan oo ay dowladda kenya ku leedahay deegaan katirsan dhulka NFD.

Deegaan lagu magacaabo Amuuma oo hoostaga gobolka Gaarisa ayuu ka dhacay weerarka, waxaana dagaalka uu ahaa mid xoogan oo in muda ah socday.

Dowladda Kenya waxay shaaca ka qaaday in weerarka lagu soo qaaday Amuuma uu ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana looga dhaawacay sarkaal muhiim ah, halka la la’yahay labo askari oo kale.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gebi ahaanba gubay saldhiga ciidan, kadib markii ay ka firxadeen ciidamada Kenyaatiga ee booliiska ahaa.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda rasmiga ah ee weerarkan, waxaana uu ku daba feylayaa weerarada ay Mujaahidiintu ka geysanayaan dhulka NFD.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular