HomeAll newsMaxay ka dhigantahay Booqashada Siisi ee Faransiiska. (Warbixin)

Maxay ka dhigantahay Booqashada Siisi ee Faransiiska. (Warbixin)

Todobaadkan, waxaa dalka Faransiiska booqasho ku tagay madaxweynaha dalka Masar ninka lagu magacaabo Cabdil Fattaax As-Siisi, halkaas oo uu kula kulmey Emmanual Macron oo ah ninka ku can baxay aflgaadada Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, madaxweynena ka ah dalka Masar.

Booqashada  Siisi ee dalka Faransiiska oo kusoo aaday waqti xasaasi ah oo uu dalkaas caado iyo dhaqan aan lala gamban ka dhigtay aflgaadada Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaa waxaa ka muuqanayy sida dowladda Faransiiska ugu faraxday imaanshaha ninkan madaxweynaha ka ah wadan kamid ah wadamada ugu waaweyn caalamka islaamka oo ah Masar.

Soo dhaweyn heersare ah ayaa Siisi loo sameeyey, sida ka muuqaneysay muuqaalla uu baahiyay telefeshinka dalka Faransiiska, waxaana arinkaas looga gol lahaa in Faransiisku ku muujiyo in inkastoo muslimiin badan ay qaadaceen dhaqaalaha Faransiiska, hadana ay jiraan madaxweynayaal garab taagan Faransiiska.

Qasriga madaxtooyada dalka Faransiiska ee Elizi ayaa waxaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Immanul Macron iyo As-Siisi, waxaana labada dhinac ay sheegeen iney ku faraxsanyihin iskaahsiga labada dal.

Macron ayaa sheegay in saacado kulamo gaar ah yeesheen kadib, ay isku waafaqsanyihiin isaga iyo Siisi dhamaan arimihii ay ka wada hadleen, wuxuuna sheegay iney ku dadaali doonaan la dagalaanka waxa loogu yeero aragagaxisada oo loola jeedo diinta Islaamka ee loo soo dhiibay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Halkan ka dhagayso  Warbixin Booqashda Siisi ee Faransiiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular