HomeAll newsHowlgal Lagu Soo qabtay Dad Ka ganacsada Khamriga oo ka dhacay Gobolka...

Howlgal Lagu Soo qabtay Dad Ka ganacsada Khamriga oo ka dhacay Gobolka Sanaag.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gobolka Sanaag waxay ka fuliyeen howlgal gaar ah oo lagu soo qabtay rag ka ganacsada khamriga maandoorriyaha ah.

Howlgalka waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Milxo oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, waxaana lagu soo qabtay ugu yaraan lix ruux.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa isku fidiyay deegaanka iyo nawaaxigiisa, waxaana markii dambe ay si gaar ah gacanta ugu dhigeen raggan ka ganacsda khamriga oo ah ganacsi xaaraam ah, sida ay qabto diinta Islaamka.

Dadka deegaanka Milxo ayaa aad ugu farxay howlgalkan, waxayna sheegeen iney dhibaato ku qabeen khamriga ay raggan soo gelinayeen deegaankooda, iyagoo siinaya dhalinyarada iyo kuwa wax magaradka ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa isku sii fidinaya dhulka Wuqooyi galbeed iyo wuqooyi bari Soomaaliya, halkaas oo ay ka dhisanyihiin maamullada Puntland iyo Soomaaliland oo ka amar qaata dowladda Xabashida Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular