Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in weerar kamiin ah oo isku bedeley dagaal culus loo dhigay ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed.
Kamiinka waxa uu ka dhacay wadada xiriirisa magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool iyo degmada Ceel barde ee gobolkaas, waxaana ka dhashey khasaare kala duwan.
Warar horudhac ah oo la helayo waxay ku waramayaan in kamiinka lagu dilay inkabadan 10 askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed.
Waxaa sidoo kale kamiinka lagu burburiyay 9 gaari oo waday sahay ciidan, waxaana suuragal ah in waxyeelladu intaas kasii kororto.
Ciidamadan ayaa waday sahay ciidan oo logu talagalay ciidamada Soomaalida iyo kuwa Xabashida ee ku go’doonsan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.