Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo ay isbaaro u taallay deegaanka Warmaxan halkaas ku dileen nin darawal ah.
Darawalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Fanax, waxaana uu kaxeynayay gaari kasoo baxay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Muran ku saabsan lacago baad ah oo ay ciidamada Dowladda federaalka weydiisteen darawalka ayaa dhaliyay in ugu dambeyn halkaas ay ku dilaan darawalka.
Ciidamada Dowladda federaalka ayaa lacagaha baadda ah ee ay ka qaataan darawallada waxay mararka qaar dhalisaa iney nolosha dhaafiyaan darawallada iyo dadka shacabka ah.
Halkan ka dhagayso Darawal lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose