Deegaanka Dhaay Barwaaqo oo horey loo oran jiray Dhaay Tubaako waxaa ka dhacay munaasabad ballaaran oo ay xoolo ku kala qaadanayeen beelaha Gaaljecel iyo Sheekhaal oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed.
Xoolaha la kala qaadanayay ayaa waxaa xukuntay maxkamadda islaamiga ah ee wilaayada Jubbooyinka, waxaana loo xukumey gabar ka dhalatay Gaaljecel oo uu dhaawac u geystay nin ka dhashey beesha Sheekhaal.
Waxgarad, culimo iyo masuuliyiin ayaa kasoo qeybgalay munaasabadda, waxaana dadka oo idil ku faraxsanaayeen sida Shareecada Islaamka la isugu maamulayo.
Halkan ka dhagyaso Munaasbad xoolo lagu kala qaadanayay ka dhacday Jubbooyinka