
Faafaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa khasaaraha ka dhashey qaraxyo maalintii shalay gobolka SHabeellaha Hoose lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa dalka Uganda kasoo duulay ee qeybta ka ah Shisheeyaha.
Ugu yaraan 3 askari oo Ugandhes ah ayaa ku dhintay qaraxyadan oo ka dhacay duleedyada Shalambood iyo Danow, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey askari kale.
Dhinac kale 2 askari oo Kenyaati ah ayaa ku dhaawacmey weerar ay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen maalintii shalay saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow.
Waxaa sidoo kale habeenki xalay dhacay silsilado weeraro ah oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka, waxayna weeraradu ka dheceen Muqdisho, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Bay iyo Bakool.
Halkan ka dhagayso Faafaahinnadii ugu dambeysay ee howlgallada