Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay silsilado weeraro ah oo beegsaday ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ee ku sugan qeybo kamid ah gobollada dalka.
Weerar kamiin ah oo isku bedeley dagaal toos ah ayaa gelinkii dambe ee shalay inta u dhexeysa Buufow iyo Namabar lixdan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Askarta Dowladda federaalka waxaa dhabarka loo saaray khasaare kala duwan oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah.
Waxay sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin degmada Awdheegle ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada Shisheeyaha waxaa sidoo kale lagu weeraray gobolka Jubbada Hoose, iyadoo gobolka Baayna lagu weeraray ciidamada Itoobiya.
Halkan ka dhagayso Faafaahinta howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.