HomeAll newsWeerar Khasaare Dhaliyay Oo ka Dhacay Canada.

Weerar Khasaare Dhaliyay Oo ka Dhacay Canada.

Qof mindi ku hubeysan ayaa wadanka Canada wuxuu ka geystay weerar khasaare dhaliyay, sida ay ku waramayaan warbaahinta wadankaas.

Qofkan hubeysan ayaa ugu yaraan 2  ruux wuxuu ku dilay magaalada Keybik ee dalka Kanada, isagoo sidoo kale dhaawacay tiro intaas ka badan.

Warbaahinta waxay tilmaameen in fuliyaha weerarka uu ku labisnaa dhar ay ku tilmaameen in la xiran jiray qarniyadii hore.

Booliiska ayaa gacanta ku dhigay qof looga shakisanyahay inuu ka dambeeyo weerarkaas, waxaana weerarkan uu kusoo aadayaa iyadoo dhawaan ra’iisul wasaaraha wadanka Canada uu sheegay inuu difaacayo xurriyada hadalka ” hase ahaate ay tahay iney xuduud lahaato”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular