HomeAll newsItoobiya Oo Sheegtay Iney La Wareegtay Magaalada Maqalle ee Xarunta Tigreega.

Itoobiya Oo Sheegtay Iney La Wareegtay Magaalada Maqalle ee Xarunta Tigreega.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Itoobiya Abey Axmed ayaa ku dhawaaqay in ciidankiisa ay si toos ah u galeen magaalada Maqalle oo ah xarunta gobolka Tigreega.

Kalimad muuqaal ah oo uu ka jeediyay telefeshinka Itoobiya, ayuu Abey Axmed wuxuu ku xaqiijiyay in ciidankiisu galeen magaalada Maqalle, kadib dagaal qaatay 25 maalmood oo xiriir ah.

Wuxuu sheegay iney hadda ku hor gudbantahay culees kale oo ah buu yiri in dib loo hagaajiyo wixii dagaalladu baaba’iyeen.

Dhinac kale gudoomiyaha Jabhadda TPLF ayaa shaaca ka qaaday in jabhadooda ay sii wadi doonto dagaalka, islmarkaana ay dagaallami doonto inta ay ka xureynayaan gobolkooda.

Wuxuu qoraal uu u diray Reuters ku sheegay in dagaalka uu yahay mid la xiriira jiritaankooda, isagoona intaa ku daray iney dagallamayaan “inta ay iska xureynayaan soo duuliyaasha”.

Halkan ka dhagyaso Dowladda Itoobiya Oo Sheegtay iney la wareegtay Maqalle

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular