HomeAll newsGudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Oo La Weeraray.

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Oo La Weeraray.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Guri uu gudoomiye ku xigeenka ka deganaa xaafadda Via Afmadow ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lala beegsaday qarax xoogan, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay goobo ka fog halka uu ka dhacay.

Waxaa qaraxa si dirqi ah kaga badbaaday gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka Jubbaland ninka lagu magacaabo Cabdi Baalley.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda qaraxan xoogan ee lagu weeraray masuulkan katirsan maamulka Jubbaland.

Halkan ka dhagayso Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka Jubbaland Oo La Weeraray

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular