HomeAll newsDuqeymo Lagu Garaacay Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Dhuusamareeb.

Duqeymo Lagu Garaacay Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Dhuusamareeb.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeymo xoogan waxay ku garaaceen saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Illaa 8 Madfc ayaa ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay deganyihiin ciidamada Jabuuti ee garab siinaya Shisheeyaha duulaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijinayaan inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada Jabuuti, walow aan la heyn tiro rasmi ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowrjeer oo hore waxay duqeymo ku asqeeyeen saldhiga ciidamada Jabuuti ee magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo xarun u ah maamulka Galmudug.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular