Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan oo kamid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed, aqoonna u leh cilmiga caafimaadka ayaa waraysi uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan wuxuu kaga hadlay waxa u diidan Siyaasiyiinta Soomaalida iney jeediyaan kalimad lid ku ah dowladda Faransiiska.
Aqoonyahanka ayaa sheegay inuusan jirin hal siyaasi oo ka hor hadlay bananabaxyada maalmihii lasoo dhaafay dadka Soomaaliyeed dhigayeen ee looga soo horjeeday Dowladda Faransiiska oo aflgaadeysay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.