Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ayaa waxaa lagu garaacay duqeyn xoogan oo loo adeegsaday hubka cul culus, xilli ay soo caga dhigatay diyaarad sahay u siday ciidamada Shisheeyaha ee ku go’doonsan Baraawe.
Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn ku asqeeyay garoonka diyaaradaha ee Baraawe, taasoo keentay in diyaaradda sahayda siday ay dib ugu laabato halkii ay kasoo duushey.
Waxaa la xaqiijiyay inaaney jirin wax sahay ah haba yaraate oo laga dejiyay diyaaradda, cabsi laga qabay in gantaalladu haleelaan ayaana keentay in si deg deg ah ugu laabato halkii ay kasoo duushey.
Ciidamada Shisheeyaha ee jooga Baraawe ayaa go’doonsan tan iyo markii ay halkaas yimaadeen, waxaana mudooyinkii u dambeeyay sahayda lagu soo gaarsiinyay dhinaca hawada iyo badda.
Waxaa hadda muuqaneysa in milliteriga ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Shisheeyaha ka go’dominayaan dhinaca badda iyo cirkaba, maadaama ay jiraan weeraro horey lagula beegsaday Shisheeyaha gudaha badda, hadana la duqeeyay diyaaraddii sahayda u siday.