HomeAll newsBurcad Weerartay Xarumo Ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay Koonfur Africa.

Burcad Weerartay Xarumo Ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay Koonfur Africa.

Dukaan Soomalidu leeyihiin oo ay dheceen burcad.

Wadanka Koonfur Africa wararka ka imaanaya waxay ku waramayaan in koox burcad ah ay weerar ku qaaday xarumo ganacsi ah oo ay leeyihiin dad Soomaali ah.

Mid kamid ah xarumaha la weeraray oo uu lahaa ganacasade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xasan Jaliil ayaa waxaa isaga kasoo gaaray dhaawac, iyadoo laga qaatay lacago iyo qalabyo kala duwan.

Booliiska Koonfur Africa ayaa goor dambe goobta soo gaaray, waxayna qaateen muuqaallo ay duubtay kaamirada yar ee CCTV.

Koonfur Africa waxaa joogta ka ah weerarada noocaan ah ee lagu beegsado ganacsatada Soomaaliyeed, marar badanna waxaa lagu dilay ganacsato Soomaaliyeed.

Halkan ka dhagayso Weerar lagu qaaday xarumo ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay Koonfur Africa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular