HomeAll newsBanaanbaxyo Lagu Difaacayo Rasuulka SCW Oo ka Dhacay Galgaduud. (Sawirro)

Banaanbaxyo Lagu Difaacayo Rasuulka SCW Oo ka Dhacay Galgaduud. (Sawirro)

Wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxo ballaaran oo ay dhigeen dadka shacabka ah, kuwaas oo lagu difaacayo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qebygalay banaanbaxa, waxayna dadku wateen boorar iyo halkudhigyo ay ku xardhanyihiin qoraallo lagu difaacayo Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Dadka ayaa waxaa ka muuqanayay shucuur ballaaran, waxayna sheegayeen iney difaacayaan Rasuulka, iyagoo fariimo hanjabaad ah u diray madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanual Macron.

Waxgaradka iyo Nabadoonnada wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ayaa kasoo qeybgalay banaanbaxyadan oo ka kala dhacay magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo katirsan wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud.

 


RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular