Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay dhacdo naxdin leh, taas oo lagu dilay haweeney iyo caruur ay dhashey.
Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday guri ay deganeyd haweeneydan oo ku yaala degmada Warsheekh, waxyana halkaas ku dileen hooyada iyo labo caruur ah oo ay dhashey, kaas oo midkood maalmo un dunida joogay, hooyadiisana ay umul la ahayd.
Waxay malleeshiyadu sidoo kale dhaawaceen hooyo kale iyo wiil ay dhashey, kuwaas oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in arintan ay salka ku heyso aanooyin qabiil, kuwaas oo ay hurinayaan ciidamada Shisheeyaha iyo maamulka Hir Shabeelle.
Halkan ka dhagayso Haweeney iyo Caruur ay dhashey Oo Lagu dilay Warsheekh
(Tramadol)