Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari dharcad ah oo katirsan Sirdoonka Dowladda federaalka.
Dilka askarigan ayaa ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana ragga fuliyay ay goobta uga dhaqaaqeen si nabadgeliyo ku dhaahantahay.
Goor dambe waxaa meydka askariga dharcadka ahaa goobta ka qaaday ciidamo katirsan Dowladda federaalka.
Muqdisho waxaa si joogta ah uga howlgala ciidamada qarsoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo si gaar ah u ugaarsada ciidamada Dowladda federaalka, shaqaalaha xukuumadda iyo saraakiisha Dowladda federaalka.