HomeAll newsWargeyska Charlio Hebdo Oo markale U gefay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

Wargeyska Charlio Hebdo Oo markale U gefay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

Markale, wargeyska lagu magacaabo Charilo Hebdo ee fadhigiisu yahay wadanka Faransiiska ayaa u gefay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, isagoo baahiyay sawirro aflagaado ah.

Tallaabadan wuxuushnimada ah ee uu qaaday wargeyskan ayaa imaaneysa iyadoo wadanka Faransiiska uu ka billowday dhageysiga dacwad loo heysto rag la tilmaamay iney taageero siiyeen wiilashii wada dhashey ee sanadkii 2015-ka weeraray xarunta Charli Hebdo.

Fadhiga maxkamadda waxaa kasoo qeybgalay qareenno u doodaya ragga eeda loo heysto iyo kuwa kale oo u doodaya ehellada madaxdii iyo shaqaalihii lagu dhex dilay wargeyska Charlio hebdo ee aflgaadeyn jiray Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Waxaa laga yaabaa in dadka xaadirka ah fadhiga maxkamadda ee lasoo eedayya lagu xukumo xabsi u dhexeeya 10 illaa 20 sano.

Tallaabada uu markale wargeyska Charlio hebdo ku aflagaadeyay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaa waxaa aad uga carooday muslimiinta oo ku hanjabay iney bixin doonaan jawaab la mid ah midii ay bixiyeen Siciid iyo Shariif Kawaashi sanadkii 2015-ka.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Rasuulkeena Muxamad S.C.W in la caayo lana Aflagaadeeyo marna mayeeleyno Nafteena ayaa uhureynaa Waxaa Waajib inaga saaran yahay inaa Difaacno Nabigeena Muxamad S.C.W

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular